Soomaali

Bröstcancerförbundet_BRÖSTMÖNSTER multi_smal.jpg

KU SAABSAN KANSARKA NAASAHA EE AF SOOMAALIGA

Xaqiiqooyinka ku saabsan kansarka naasaha ee Iswiidhan
Sanad kasteba qiyaas ahaan 8,000 oo haween ayaa laga helaa kansarka naasaha. Waa nooca kansarka sida ugu badan ugu dhaca haweenka. Horumarka laga gaaray cilmibaarista iyo daawaynada cusub ee waxtarka leh awgood, saadaalinta nolosha ee laga bixiyo kansarka naasuhu tartiib tartiib ayay u kordhaysaa. Maanta, 10kii qofba 8 ayaa ka badbaada cudurka.

Ahmiyadda ay leedahay hore u helidda cudurku
Dhammaan haweenka da'doodu u dhexeyso 40 iyo 74 jir ee u diiwaangashan in ay Iswiidhan deggan yihiin ayaa labadii sanaba mar loogu baaqaa sawirka raajada naasaha oo bilaash ah. Hadba sida hore loogu ogaado kansarka naasaha, ayay u sii fiican yihiin natiijada iyo fursadaha dib u soo celinta caafimaadka buuxa. Waxaa muhiim ah in aad u tagto sawirkaaga raajada naasaha mar walboo laguu marti qaado, maxaa yeelay takhaatiirta raajadu waxay kaas barbar dhigaan oo ay ku eegaan sawirradii baarisyadii hore. Tan iyo markii la bilaabay barnaamijka sawirka raajada naasaha ee Iswiidhan, waxaa laban laabatay tirada dadka ka badbaada kansarka naasaha.

Naasahaaga baar
Waxaa fiican in aad caadaysato in aad naasahaaga baarto bishiiba mar. Markaa, waxaad ogaan kartaa isbeddellada ku yimaadda ama kuusaska ka soo baxa waqtiyada u dhexeeya sawirradaada raajada naasaha. Soo dejiso abb-ka ama barnaamijka telefoonka gacanta ee Klämdagen si aad telefoonkaaga gacanta ugu hesho tilmaamaha iyo xasuusimaha bishii. Abb-ka waxaa lagu heli karaa af Carabi, Ingiriisi, Turki, Soomaali iyo Iswiidhish.

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kansarka naasaha iyo macluumaad ku qoran luqado kale, booqo https://www.europadonna.org/

Si aad taageero iyo xiriir isku weydaarsataan bukaanada kale ee kansarka naasaha, la xiriiir mid ka mid ah laamahayaga kansarka naasaha ee xaafadda oo aad u marayso https://brostcancerforbundet.se/fa-stod/

Haddii aad talo caafimaadeed u baahan tahay, la xiriir lambarka 1177 ama booqo www.1177.se

Om bröstcancer

Om bröstcancer

Stöd oss

Stöd oss